khadraay hirdooglebaad tahay
hadh qabow baad tahay
hoobaan bislaataa tahay
mid hoy lala galaa tahay

hibo waxaad u leedahay
hanaan qurux wanaagiyo
haybadiyo asluubiyo
filkeed ugu horaysaay

hadalkaagoo qudhaa heedhe
u haraad u qabaayoo
wali u hiloobaa

khadraay haween u rooneey
waan kuu hawaynahay
hubaashii waxaa tahay
midkaan ku hamiyaa tahay

haatanba ila haad
hurdo kama lada oo
caashaqan habaarka ahi
waxba iilamuu hadhine

Exit mobile version