VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dan iyo xarago - Lyrics

Iga dardaaran weeye, Ninkaan daryeelin tiisa, Walaahi doorsan weeye, Hadhow dawo ma yeeshee, Ogow iga danbeeyoow, Dan iyo xarago is waydee. Nin duunyo buuran doonoo, Horteed u duuban yoobin, Intuu daro fandhaalka, Dibnaa ka buuxin mayee Ogow iga danbeeyoow, Dan iyo xarago is waydee. Nin duuga eeganaayoo, Nolol dani ka haysoow, Ha derderin sidaydee, Dariiqa toosan raacoo. Ogow iga danbeeyoow, Dan iyo xarago is waydee.
Queue is empty
-- / --