Dabaryohoow gaaniyoo
Danteed ka weeyee
Iga duula xoolii
Adna kaama daanee
Dibadaan u dhoofaan
Taladii ku daystee
Aan kula dardaarmee
Rugta sii daryeeloo
Aan kula dardaarmee
Rugta sii daryeeloo

Kaltuun waa inanyoow
Inagaa is janjaqnee
Kaltuun waa inanyoow
Inagaa is janjaqnee
Dalkalaan tagayaa
Dubaaqaaga ka saar
Dalkalaan tagayaa
Dubaaqaaga ka saar

Waan duulayaa ee
Degmooy ii soo dhawee
Wey inoo dambeysaa
Dacaroow ha dagdaginee joog

Waan duulayaa ee
Degmooy ii soo dhawee
Wey inoo dambeysaa
Dacaroow ha dagdaginee joog

Raga socodku waa u door
Haduu mawdku daayee
Darbi lama fadhiistiyo
Halkii kuu darnaatee
Kol hadaan wax daaqiyo
Duunyo iga foofeyn

Doqoniimo weeyaan
Inagoo is dul joognaa
Doqoniimo weeyaan
Inagoo is dul joognaa

Riyo meel ku oodnayd
Soo dareerin maysidee
Riyo meel ku oodnayd
Soo dareerin maysidee
Dal kaltaad ka daylayn
Halkan nooga doonoo
Dal kaltaad ka daylayn
Halkan nooga doonoo

Waan duulayaa ee
Degmooy ii soo dhawee
Wey inoo dambeysaa
Dacaroow ha dagdaginee joog

Waan duulayaa ee
Degmooy ii soo dhawee
Wey inoo dambeysaa
Dacaroow ha dagdaginee joog

Doqonbaan ogsooneyn
Darxumada ku foolee
Dugsan maaye geeluba
Dudadii yagleelaba
Si uun laguma daaye
Xidigaa is doorshoo

Doog iyo abaarbaa
Kolba midi dambeeyaa

Kol hadaanad daynayn
Kaaga dayrin maayee
Kol hadaanad daynayn
Kaaga dayrin maayee
Dawga aad maraysuu
Daayin kuu hareeyiyo
Dawga aad maraysuu
Daayin kuu hareeyiyo

Waan duulayaa ee
Degmooy ii soo ducee
Duco kuu labeeyee
Dacaroow ii soo dadaal

Waan duulayaa ee
Degmooy ii soo ducee
Duco kugu labeeyee
Dacaroow ii soo dadaal

Exit mobile version