VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ila garo wanaaga - Lyrics

sida geenyo uguboo haradii dar duuriyo seen gubad leh lagu xiray roob kuna gadaal helay oo labada goorood loo geeyo dhaydoo aan gaajo aragoo gadhka reeska loo daro oo gacan barwaaqo ah guudka loogu maydhoo gaajadu haraacido markaad gacanta saydhee gooni aad usocotaan kugu gaaf wareegaa garaaraha timahee guulo uu kusiiyaa ii diiday gama'ee ila garo wanaagoo ha iloobin gobanimo sida geesi hanadoo beelaha gadh qaadoo gacal siimo taliyoo ugudoonsho reeraha oo guurti laga dhigay xaajada gor feeyoo laga waayin golahiyo geedkii loogu talagalay adba garasho waayeel waxad tahay nin gobahoo guule uu xil saaree raga wiil gantaada ah oo aan ku garab dhigo kama arag gayaan kee galad iyo ayaan baan kugu siiyay gacantee gud gudaha hilaaciyo jaceel gabax ma iga dhigay mana galay wad naha gees sida goray haldhaayoo ban gor goorleh joogoo gooni daaq ahaan jiray oo galab caraaba ah gara nuugta howdkiyo gaadhaaya cowshoo gidigood ka wada tagay gabdhahaad usidataa golo joog sigaagiyo ilkahaaga dhayda ah igu baabinaayee magaboobo caashaqu jaceelkuna maguuree wuu igu godlanayaa garaalaha timahee guulo uu kusiiyaa ii diiday gama'ee ila garo wanaagoo ha iloobin gobanimo sida oday gankiisiyo uu gugiisu buuxsamay oo gabanaduu dhalay garbihiisa joogaan oo ramadka geeliyo gaadiid ba haystoo gabal dhacay habeen kii maalku nabad ku soo galo oo ardaaga gaawaha iyo gorofka xoorka leh midba gooni loo dhigay murti gaaxataa tahee oo waan uguuxoo anigaba igaadhee galad iyo ayaan baan kugu siiyay gacantee gud gudaha hilaaciyo jaceel gabax ma iga dhigay mana galay wad naha gees sida laan galool oo dhilow yahan ku guud yaal oo ubuxu gaadhoo wali gudimo lagu jarin oo caleentu geesaha iyo qarisay goonyaha oo dhudii gadaal baxay curub ay gandoodaan oo malab godlanayoo dhulka reesku gaadhoo gobo'leeday miiduna ma xusuusto gabadano iyo gowro dhaxameed galab taan ku dheehdee garaaraha timahee guulo uu kusiiyaa ii diiday gama'ee ila garo wanaagoo ha iloobin gobanimo sida aar gadoodoo miciyaha isgaliyoo inta goosan uu helay kala gaabshay xoolaha oo gego fadhiistoo gooshuna la joogtoo guuxiisa fiintiyo galowguba ka ciyayaan oo haadku geedkiyo intaa kaga gabanayoo gor goradu ka maageen gaashaan birlaad tahay oo aan gabi karin haku daayo guulee galad iyo ayaan baan kugu siiyay gacantee gud gudaha hilaaciyo jaceel gabax ma iga dhigay mana galay wad naha gees
Queue is empty
-- / --