VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Ila garo wanaaga mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mahamed Aadan Dacar
Ila garo wanaaga

sida geenyo uguboo haradii dar duuriyo seen gubad leh lagu xiray roob kuna gadaal helay

oo labada goorood loo geeyo dhaydoo aan gaajo aragoo gadhka reeska loo daro oo gacan barwaaqo ah guudka loogu maydhoo gaajadu haraacido

markaad gacanta saydhee gooni aad usocotaan kugu gaaf wareegaa garaaraha timahee guulo uu kusiiyaa ii diiday gama'ee ila garo wanaagoo ha iloobin gobanimo

sida geesi hanadoo beelaha gadh qaadoo gacal siimo taliyoo ugudoonsho reeraha oo guurti laga dhigay xaajada gor feeyoo laga waayin golahiyo geedkii loogu talagalay

adba garasho waayeel waxad tahay nin gobahoo guule uu xil saaree raga wiil gantaada ah oo aan ku garab dhigo kama arag gayaan kee

galad iyo ayaan baan kugu siiyay gacantee gud gudaha hilaaciyo jaceel gabax ma iga dhigay mana galay wad naha gees

sida goray haldhaayoo ban gor goorleh joogoo gooni daaq ahaan jiray oo galab caraaba ah

gara nuugta howdkiyo gaadhaaya cowshoo gidigood ka wada tagay gabdhahaad usidataa

golo joog sigaagiyo ilkahaaga dhayda ah igu baabinaayee magaboobo caashaqu jaceelkuna maguuree wuu igu godlanayaa

garaalaha timahee guulo uu kusiiyaa ii diiday gama'ee ila garo wanaagoo ha iloobin gobanimo

sida oday gankiisiyo uu gugiisu buuxsamay oo gabanaduu dhalay garbihiisa joogaan

oo ramadka geeliyo gaadiid ba haystoo gabal dhacay habeen kii maalku nabad ku soo galo

oo ardaaga gaawaha iyo gorofka xoorka leh midba gooni loo dhigay
murti gaaxataa tahee oo waan uguuxoo anigaba igaadhee

galad iyo ayaan baan kugu siiyay gacantee gud gudaha hilaaciyo jaceel gabax ma iga dhigay mana galay wad naha gees

sida laan galool oo dhilow yahan ku guud yaal oo ubuxu gaadhoo wali gudimo lagu jarin

oo caleentu geesaha iyo qarisay goonyaha oo dhudii gadaal baxay curub ay gandoodaan oo malab godlanayoo dhulka reesku gaadhoo gobo'leeday miiduna

ma xusuusto gabadano iyo gowro dhaxameed galab taan ku dheehdee garaaraha timahee guulo uu kusiiyaa ii diiday gama'ee ila garo wanaagoo ha iloobin gobanimo
sida aar gadoodoo miciyaha isgaliyoo inta goosan uu helay kala gaabshay xoolaha

oo gego fadhiistoo gooshuna la joogtoo guuxiisa fiintiyo galowguba ka ciyayaan oo haadku geedkiyo intaa kaga gabanayoo gor goradu ka maageen

gaashaan birlaad tahay oo aan gabi karin haku daayo guulee galad iyo ayaan baan kugu siiyay gacantee gud gudaha hilaaciyo jaceel gabax ma iga dhigay mana galay wad naha gees

codkii Mahamed Aadan Dacar