Ma ogtahay biiya oo
Baahida kalgacalkaa
Guryaha iga goysoo
Ana barashadaadii
Jida haraga goodmiyo
Utaalaa uma dhaafinee

Waxa tahay bogaygoo
Beerkiyo wadnaha
Nacab uga durkaayoo

Waxa tahay bogaygoo
Beerkiyo wadnaha
Nacab uga durkaayoo

Ma ogtahay bad iyo wabi
Adigoon dabaal baran
Loomaba badheedhee
Maadiga kalgacalkiisa
Haadaa ila baadkaa
Dadka laguma beeree

Ma ii baaqday sidan
Bacdiyo xareedii
Loo helay barwaaqoo

Ma ii baaqday sidan
Bacdiyo xareedii
Loo helay barwaaqoo

Maxaan kaaga baydhaa
Ama kaaga baaqdaa
Sow la ima kaa badin
Maxaan kaaga baydhaa
Ama kaaga baaqdaa
Sow la ima kaa badin

Inanyahay nin dayr lihi
Inta lama badheedhoo
Degaan waa dantiisee
Adna taydan joogoo
Cinkigaan banaanada
Kaligay ka baaqaa

Waxa tahay bogaygoo
Beerkiyo wadnaha
Nacab uga durkaayoo

Waxa tahay bogaygoo
Beerkiyo wadnaha
Nacab uga durkaayoo

Inanyahay dad qadi,iyoo
Doqonbaa nin beegsaday
Darxuu kaga dhaqaaqee
Xakan baqan qadhaadhiyoo
Mid uunbaa ku soo bixi
Barashada xadaartee

Ma ii baaqday sidan
Bacdiyo xareedii
Loo helay barwaaqoo

Ma ii baaqday sidan
Bacdiyo xareedii
Loo helay barwaaqoo

Maxaan kaaga baydhaa
Ama kaaga baaqdaa
Sow la ima kaa badin
Maxaan kaaga baydhaa
Ama kaaga baaqdaa
Sow la ima kaa badin

Inanyahay bildhaan iyo
Dumarkaa xaadiyo xoog
Bilicbaad u sidataa
Maashaada ila qaboo
Ninkii hayey hawlaa
Waa la iska baajaa

Waxa tahay bogaygoo
Beerkiyo wadnaha
Nacab uga durkaayoo

Waxa tahay bogaygoo
Beerkiyo wadnaha
Nacab uga durkaayoo

Wey nabad dagnayniyoo
Arimaha balaadhiyoo
Talada igu qaadee
Aniguba dan iyo nabar
Kaaxaa dag mooye
Hurda kaama gama,inee

Ma ii baaqday sidan
Bacdiyo xareedii
Loo helay barwaaqoo

Ma ii baaqday sidan
Bacdiyo xareedii
Loo helay barwaaqoo

Maxaan kaaga baydhaa
Ama kaaga baaqdaa
Sow la ima kaa badin
Maxaan kaaga baydhaa
Ama kaaga baaqdaa
Sow la ima kaa badin

Exit mobile version