VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhakhtar baa isu keen qoray - Lyrics

Haduu dhugato geel qabo Ma dhadhamiyo geedaa Wuu gudasho dhuubtaaye Anna cudurkan igu dhacay Waa mid igu dhamaadoo Waaba laygu dheeryoo Ku dhadhabay aroosaan dhinaca isasaarnee Malaa dhaayahaygaay Calaf lagama dhuuntee Kitaabaysu keen dhigay Dhakhtar baysu keen qoray Adna wali ma dhaadanid Adna wali ma dhaadanid Baytka 2aad Maydhanaanka geeliyo Sida dhayda caanaha Looma dhamo jacaylkoo Laguma dhaashto caashaqa Dhayal haw malaynine Dhuuxiyo lafahiyo Waa wax dhiiga kaa jaqa Caafimaadka kaa jara Malaa dhaayahaygaay calaf lagama dhuuntee Malaa dhaayahaygaay Calaf lagama dhuuntee Kitaab baysu keen dhigay Dhakhtar baysu keen qoray Adna wali ma dhaadanid Dhakhtar baysu keen qoray Adna wali ma dhaadanid Adna wali ma dhaadinid Baytka 3aad Sida ruux dhalaanoo Hurdo looga dhaartaan Hadba dhinacyadiisiyo Wadna kugu dhaweeyaa Sida ruux la dhalaybaan Kuu dhooddhooliyaayoo Dhabta kugu hayaayoon Dhibta kaa ilaashaa Maladhaa yahaygaay Calaf lagama dhuuntee Maladhaa yahaygaay Calaf lagama dhuuntee Kitaab baysu keen dhigay Dhakhtar baysu keen qoray Adna wali ma dhaadanid Dhakhtar baysu keen qoray Adna wali ma dhaadanid Adna wali ma dhaadinid Marwalbo saxitaankiina Aad ayoo inoo saacidaa Waxii qalad ama dhameestir ah fadlan inoo soo dir
Queue is empty
-- / --