VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dhakhtar baa isu keen qoray mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mahamed Ali Burco
Dhakhtar baa isu keen qoray

Haduu dhugato geel qabo
Ma dhadhamiyo geedaa
Wuu gudasho dhuubtaaye
Anna cudurkan igu dhacay
Waa mid igu dhamaadoo
Waaba laygu dheeryoo
Ku dhadhabay aroosaan
dhinaca isasaarnee
Malaa dhaayahaygaay
Calaf lagama dhuuntee
Kitaabaysu keen dhigay

Dhakhtar baysu keen qoray
Adna wali ma dhaadanid
Adna wali ma dhaadanid

Baytka 2aad

Maydhanaanka geeliyo
Sida dhayda caanaha
Looma dhamo jacaylkoo
Laguma dhaashto caashaqa
Dhayal haw malaynine
Dhuuxiyo lafahiyo
Waa wax dhiiga kaa jaqa
Caafimaadka kaa jara
Malaa dhaayahaygaay
calaf lagama dhuuntee
Malaa dhaayahaygaay
Calaf lagama dhuuntee
Kitaab baysu keen dhigay

Dhakhtar baysu keen qoray
Adna wali ma dhaadanid
Dhakhtar baysu keen qoray
Adna wali ma dhaadanid
Adna wali ma dhaadinid

Baytka 3aad

Sida ruux dhalaanoo
Hurdo looga dhaartaan
Hadba dhinacyadiisiyo
Wadna kugu dhaweeyaa
Sida ruux la dhalaybaan
Kuu dhooddhooliyaayoo
Dhabta kugu hayaayoon
Dhibta kaa ilaashaa
Maladhaa yahaygaay
Calaf lagama dhuuntee
Maladhaa yahaygaay
Calaf lagama dhuuntee
Kitaab baysu keen dhigay

Dhakhtar baysu keen qoray
Adna wali ma dhaadanid
Dhakhtar baysu keen qoray
Adna wali ma dhaadanid
Adna wali ma dhaadinid

Marwalbo saxitaankiina Aad ayoo inoo saacidaa
Waxii qalad ama dhameestir ah fadlan inoo soo dir

codkii Mahamed Ali Burco