waan kugu dhadhabayaaye
dharaartaynu kulanaa
dhulku ila wareegee
dhimasho iyo nolobaan
wali kala dhex joogaa
kuu dhiibay taladee
dhankii aad i marisaba
aadna ha igu dheerayn
ii soo dhaweeyoo
aan dhamayno xaajada
waan kaa dhursugayaa e
dhawaaqaanjeclaystaan
dhakhso kaaga filayaa
dhayal ha u malaynine
waa iga dhab caashaquye
wadnahaa i dhufanaayo
dhiiga iga nuugaaye
dhal wadaad la moodyey
indhaha ku dhaygaga
dhabanada hilaaciyo
dhoolo ka qosolkaagee
dhaqaaq joogsigaygay
dhalaanku ila yaabaan
yuu ku dhaafin hadalkuye
ii dhaga nuglow

Exit mobile version