1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
Ma ogtahay ayaantii
Ilmadu kaa da’eysee
indhahaada qoysaa
inanyahay xasuustoo
uurka aan ka ooyoo
waan ka ashahaatee
waxaad igu abuurtaan
la adkeysan waayo
amanaada illaaheey noqo
kuman ilaawine
amiina allahayoow
waa amaanadaadee
Ma ogtahay sido roob
onkod iyo hilaac badan
oo arooryadii da’ay
ama oogta waabari
eedaankaa subaxdii
waad ii iftiintaa
waxaad igu abuurtaan
la adkeysan waayeee
amaanda illaaheey noqqo
kumaan ilaawine
amiin allaahayow
wa amaanadaadee
Ma ogatahay afkeygii
inuu aamus diidoo
ayaadaha quraan iyo
aamaantaada mooyee
arrin kale inuu furo
ogolaani waayaa
waxaad igu abuurtaa
la adkeysan waayee
amaanada illaaheey noqo
kuman ilaawine
amiin allahayoow
wa amaanadaadee
Ma ogtahay sidi aqal
magaaloo aros iyo
id loogu tala galay
ama ubaxa deyreed
waad ii udgoontoo
iimaanka deeqdee
waxaad igu abuurtaan
la adkeysan waayee
amaanda illaaheey noqo
kuma ilaawine
amiin allahayoow
waa amaanadaadee
Ma ogtahay ayaantii
Ilmadu kaa da’eysee
indhahaada qoysaa
inanyahay xasuustoo
uurka aan ka ooyoo
waan ka ashahaatee
waxaad igu abuurtaan
la adkeysan waayo
amanaada illaaheey noqo
kuman ilaawine
amiin allahayow
waa amaanadaadee.