Dhaqankii dhulkeenaan
Dhismihiisii haynaa
X2

Dharaarahan maxaa
Dhacay dhabanadan
Lahaystaa X2

Soo dhaqaaqoo dhaxda
Keenoo kolba heenso
Qaadoo X2

Aynu dheelno ciyaarta
Igusoo dhawoow X2

Sida dhiro galooloo
Ubaxii dhameeyeen
X2

Dhinacyada gacmaha
Aan isdhaaf sanee X2

Soo dhaqaaqoo dhaxda
Keenoo kolba heenso
Qaadoo X2

Aynu dheelno ciyaarta
Igusoo dhawoow X2

Waa dhool guyoo da'ay
Iyo dheeman iyo luul
X2

Dhalintiyo aduunyada
Way kawada dhexaysaa
X2

Soo dhaqaaqoo dhaxda
Keenoo kolba heenso
Qaadoo X2

Aynu dheelno ciyaarta
Igusoo dhawoow X2

Dhaar waxaan ku
Marayaa inaan kuu dhameeyee X2

Adiguun dhankaaga
Yaan la iiga soodhicin
X2

Soo dhaqaaqoo dhaxda
Keenoo kolba heenso
Qaadoo X2

Aynu dheelno ciyaarta
Igusoo dhawoow X2

Exit mobile version