VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Guhaad ‘Gufaaco’ (Orjinal Version) - Lyrics

Is-Guhaadshayeey Inta aan guntaday Gucla roorayeey Godobteen qabaa Garan waayeeyeey Anniguna garaadkay Kaa gaabsan waayee Adna garashadaadii, Ii garaabi weeydee Dhibtan aan galaayana I gargaari meyside Gudcurkaan habeenkii Dhaxanta iyo Gawraha Awadaa go'doomee! Inkastoo nin geesiya Rag u geed adaygyahay Haddaan garabka lala qaban Guri ooddi maayee Gamca maran Illaah baan Guudkood xil saarine Sida geyi abaareed Cawl gooni daaqaan Aaha! Awadaa go'doomee Gufacaale roob oo Guux iyo dabayl-bale Halka uu I geeyaba Gacankii I qaadeey Garan maayo meeshay Godobtu iga raacdee Waxaan geystay mooyee Ifkuu dhibbi I gaadhee Aaha!haddalna wayga go'anyee
Queue is empty
-- / --