VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Guhaad ‘Gufaaco’ (Orjinal Version) mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mahamed S Tubeec
Guhaad ‘Gufaaco’ (Orjinal Version)

Is-Guhaadshayeey
Inta aan guntaday
Gucla roorayeey
Godobteen qabaa
Garan waayeeyeey

Anniguna garaadkay
Kaa gaabsan waayee
Adna garashadaadii,
Ii garaabi weeydee

Dhibtan aan galaayana
I gargaari meyside
Gudcurkaan habeenkii
Dhaxanta iyo Gawraha
Awadaa go’doomee!

Inkastoo nin geesiya
Rag u geed adaygyahay
Haddaan garabka lala qaban
Guri ooddi maayee
Gamca maran Illaah baan
Guudkood xil saarine
Sida geyi abaareed
Cawl gooni daaqaan
Aaha! Awadaa go’doomee

Gufacaale roob oo
Guux iyo dabayl-bale
Halka uu I geeyaba
Gacankii I qaadeey
Garan maayo meeshay
Godobtu iga raacdee
Waxaan geystay mooyee
Ifkuu dhibbi I gaadhee
Aaha!haddalna wayga go’anyee

codkii Mahamed S Tubeec