VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Guur haiga filan - Lyrics

Nabsi ruuxii gaaxshaa Godolkiisa maalee Sidaan anigu kuugalay Gafi maysid adiguye X2 Aar gudashadaaduna Gar illaahay weeyee X2 Ha iga goosan caawaad Iga gacan saraysaa X2 Qof gafaa abaalkii Yahay guul daraantee Waxan ahay nin gabar yahay Gacantaadu melegtee X2 Waxaan ahay gar eexiyo Godob kaa tirsanayee X2 Guur hayga filanine Gurigayga iidhaaf X2 Adoo gacal isoo biday Waa taan ku gowrshee Ku gar waaqsan waayeen Kaa taagtay gacantee X2 Waxaan anigu gaystaa Goobtaa ijoojee X2 Ha iga goosan caawaad Iga gacan saraysaa X2 Waxaan ahay nin gacalkii Awgaa ugooyoo Waxaan ahay gar gaarkii Galad kaaga waayee X2 Waxaan ahay gandood iyo Gocosho u dan baysee X2 Guur hayga filanine Gurigayga iidhaaf X2 Gowraha habeen kii Gud cur kaad istaagtiyo Gadhkii aad iqabatiyo Guubaa badaadii X2 Gar daraan uqaatoo Kuu maan garaabine X2 Ha iga goosan caawaad Iga gacan saraysaa X2 Sidaan ahay nin gaaloo Xaramayn kii galayoo Gubay maalin ciidoo Lagu soo gurmaday baad X2 Gabi dheer isaartood igu Gooni baadhee x2 Guur hayga filanine Gurigayga iidhaaf X2
Queue is empty
-- / --