VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hoobal - Lyrics

hido maxaad u dhaqantaa hanti maxaad u talisaa hub maxaad ka sidataa hawl maxaad ka qabataa maxaad haabanaysaa maxaad haybsanaysaa hoobalkiyo farshaxankoow aduunyadu hir weeyee heer keed ka joogtaa waxa hoobal ii yidhi bal aan kuu higaadshee hanti waxaan ka leeyahay murti la ii hanqada oo hodan laggu majiirtee hubna waxaan ka qaataa hal abuur midhihiyo habdhaca iyo luuqda hanaankiyo sargooyada qalab lagu hufaayoo lagu haadiyaayoo hawraarahaygaa dadka lagu hagaayoo ka halawsan waligii lagu hoga tusaayoo heelooyinkaygaa dhasha lagu habaa dadku hadaladyday ka dhigtaan halhaysoo dhegtu heesahaygay hanqal taag u maqashaa hugunka iga yeedhaa lagu hawl galaayoo hayhaata meel aan halsitiyo waxyeelada ka arkaa hog dheeroo haadaan qarsoonbaan ka rogaa hagoogtoo hooyaalahayga horor lagu ogaadaa gobonimo hiil weeyoo waa hoy dugsoonoo lagu soo hirtaayoo hugunkii kaliishaan habeen madaw tilmaama nabadiyo heshiiskaan hadhsada dantoodoo dadka ugu horseedaa birta waxaan u hasytaa hubka waxaan ku laayaa qofka himiladaydiyo neceb horumarkaygoo hagardaamo taliyee jecel hadimadaydee mar hadhsado kaliilaha mas ku jira hogiisoo cawo daran la hoydaa hurdo loo mar dhigaybaan ana haro walwaaleed hora hora aan idhaahda ma haleelo dhaymaha ma dhaashado kaliilaha hami baa i lumiyoo hogashiyo wareerba hilbahaygii laastee inta aan higaadiyo hindisaha ku jeedaa dadku iga hayaamaa hore lay guuraa dadku iga hayaamaan duco iyo habaar baa i hareero yaaloo misna habaqlahaygay haadii ka dharagtoo hanba feeno mooyee hordhac kuma badhaadhee hayinkaygu ima gayn wali hogol da,aysoo haaneedka uma qaban waligay hal curatoo waxaan ahay nin hodanoo hayntana ka madhanoo adoo igu hamiyayaad waxba ii huraynoo aduunyadu hir weeyoo hanti uma dudaayee halse iga dardaarana
Queue is empty
-- / --