VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hoobal mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mahamed S Tubeec
Hoobal

hido maxaad u dhaqantaa
hanti maxaad u talisaa
hub maxaad ka sidataa
hawl maxaad ka qabataa
maxaad haabanaysaa
maxaad haybsanaysaa
hoobalkiyo farshaxankoow
aduunyadu hir weeyee
heer keed ka joogtaa
waxa hoobal ii yidhi
bal aan kuu higaadshee
hanti waxaan ka leeyahay
murti la ii hanqada oo
hodan laggu majiirtee
hubna waxaan ka qaataa
hal abuur midhihiyo
habdhaca iyo luuqda
hanaankiyo sargooyada
qalab lagu hufaayoo
lagu haadiyaayoo
hawraarahaygaa
dadka lagu hagaayoo
ka halawsan waligii
lagu hoga tusaayoo
heelooyinkaygaa
dhasha lagu habaa
dadku hadaladyday
ka dhigtaan halhaysoo
dhegtu heesahaygay
hanqal taag u maqashaa
hugunka iga yeedhaa
lagu hawl galaayoo
hayhaata meel aan
halsitiyo waxyeelada
ka arkaa hog dheeroo
haadaan qarsoonbaan
ka rogaa hagoogtoo
hooyaalahayga
horor lagu ogaadaa
gobonimo hiil weeyoo
waa hoy dugsoonoo
lagu soo hirtaayoo
hugunkii kaliishaan
habeen madaw tilmaama
nabadiyo heshiiskaan
hadhsada dantoodoo
dadka ugu horseedaa
birta waxaan u hasytaa
hubka waxaan ku laayaa
qofka himiladaydiyo
neceb horumarkaygoo
hagardaamo taliyee
jecel hadimadaydee
mar hadhsado kaliilaha
mas ku jira hogiisoo
cawo daran la hoydaa
hurdo loo mar dhigaybaan
ana haro walwaaleed
hora hora aan idhaahda
ma haleelo dhaymaha
ma dhaashado kaliilaha
hami baa i lumiyoo
hogashiyo wareerba
hilbahaygii laastee
inta aan higaadiyo
hindisaha ku jeedaa
dadku iga hayaamaa
hore lay guuraa
dadku iga hayaamaan
duco iyo habaar baa
i hareero yaaloo
misna habaqlahaygay
haadii ka dharagtoo
hanba feeno mooyee
hordhac kuma badhaadhee
hayinkaygu ima gayn
wali hogol da,aysoo
haaneedka uma qaban
waligay hal curatoo
waxaan ahay nin hodanoo
hayntana ka madhanoo
adoo igu hamiyayaad
waxba ii huraynoo
aduunyadu hir weeyoo
hanti uma dudaayee
halse iga dardaarana

codkii Mahamed S Tubeec