Kii laba dibleeyee
Qays loxodka geeyee
layla iilka dhigaybaa

Aniga i lumiyoo
Leexada i saaroo
La laamo doodee

Laydha iga qariyoo
Ifkaan u liitaa

Bal lugooyadaa daya
Intaan laba laxaadsaday
Anoo ladan aan laacoo
Aanan libin ka gaadhine

Laab raac jacaylbaa
Sida qaalin layliya
I laadlaadinaayoo

Luggo kuma agtaginee
Waxaan ahay nin luukiyay
Oo ruuga lulaayoo

Isagoo lilaahiya
Soo laaci waayee

Bal lugooyadaa daya
Intaan laba laxaadsaday
Anoo ladan aan laacoo
Aanan libin ka gaadhine

Wakaa i lumiyoo
I luufluufshay anigoo
Lahan igu abuuro

Lafta dhabarka iga jaree
Hadba ila lagdamayee
Igu laalaabanaayee

Markaan laama doodsado
Luqunta iga fuulee

Bal lugooyadaa daya
Intaan laba laxaadsaday
Anoo ladan aan laacoo
Aanan libin ka gaadhine

Exit mobile version