Habka luqunta heensaha
Hannaanka iyo laafyaha
Tallaabada habsamidiyo
Haasaawaheedaa
Malyuun hibo la siistaa

Hiladda iyo joogsiga
Halkey tumuhu gaadheen
Aney huq igu reebtee
Soo horjoogsigeedaa
Malyuun hibo la siistaa

Hadafka iyo sheekada
Hubkey xidhatay maandeeq
Kanaankuhii i qaadmeen
Heybaddeeda kaliyaa
Malyuun hibo la siistaa

Nin hoodiyo nasiiblaa
Adduun hela nafteedee
Filkeed ugu weyney
Hagoogteedaa kaliyaa
Malyuun hibo la siistaa

Habka luqunta heensaha
Hannaanka iyo laafyaha
Tallaabada habsamidiyo
Haasaawaheedaa
Malyuun hibo la siistaa

Maxamed Saleebaan Tubeec
Habka luqunta heensaha
Hannaanka iyo laafyaha
Tallaabada habsamidiyo
Haasaawaheedaa
Malyuun hibo la siistaa

Hiladda iyo joogsiga
Halkey tumuhu gaadheen
Aney huq igu reebtee
Soo horjoogsigeedaa
Malyuun hibo la siistaa

Hadafka iyo sheekada
Hubkey xidhatay maandeeq
Kanaankuhii i qaadmeen
Heybaddeeda kaliyaa
Malyuun hibo la siistaa

Nin hoodiyo nasiiblaa
Adduun hela nafteedee
Filkeed ugu weyney
Hagoogteedaa kaliyaa
Malyuun hibo la siistaa

Habka luqunta heensaha
Hannaanka iyo laafyaha
Tallaabada habsamidiyo
Haasaawaheedaa
Malyuun hibo la siistaa
Lyrics by Cabduqaadir Xasan Shaaciye

Exit mobile version