Maxaan gaydh la jiifsaday
Maxay gocasho ii tiil
Maxaan reer la gaba xidhay
Jacayl igu gadaadnaa

Maxaa gawre dhaxameed
Socod aan gayoonayn
Gabadhyahay daraadaa
Waagu iigu galac yidhi

Inaad gaari dumariyo
Marwo guudka dabatiyo
Garashada haweenkiyo
Tahay xulani gooniya

Oo quruxda gabigeed
rabi ugu gargaaroo
Heemaalka guudnimo
Ama xubin la gaasiro
Aan lahayn gun iyo baar

Geddiisii inaa tahay
Nabi yuusuf gacalooy
Hubaashii laguu garay

Calaf lama garniibee
Heshiiskaynu gaadhniyo
Anigana go'aankay
Haduu guule igu simo
Waxa aan ku gawracay
Warna igaga go'anyahay

Gobeey adiga mooyee
Hilbo aanan gayniyo
Dumar wayga garanuug

Waxa ay guntuna tahay
Gaafkaynu leenoo
Waa dhaqanka gaarka ah

Soomali goornaba
Socod goray ma daayee
Maruu gu'gu hagaago
Awrta ciirta loo qubo
Adhiguna ka gees galay

Waa gurays nugaloo
Godimada la goostiyo
Aqal gaafyo wayn baan
Yacay kaga gig siinee

Adoo gabanadii wada guudkana ku sida qaar
Xeryo maqasha Waad gayn.

Exit mobile version