Riyadii xalaytaan rumaystoo
Raaxaan moodoo
Waan riyaaqee
Ilayn raad gurasho
Malahee iraadsha
Anigaa rafaadee!..

Haduu reer guur yidhaahdoo
Haduu ratigaba ka guunyo
Rugtii walama muranay reebtay
Aniga rafaaday!

Haduu roob shubo raxmaankoo
Ramaaska la raadsadaayee
Raqadaydaad dhigatoo
Raarkaad ireebtay
Anigaa rafaaday!

Runtii raaxada aduunyada
Adaa raka dheer ka fuulee
Runtii raaxada aduunyada
Aday raka sare kusaartee
Anigaa raran mooday
rayskaad ireebtay
Anigaa rafaaday!.

Heestu waa Riyadii xalay
fanankuna wa Tubeec
(boqorkii codka)aun
erayadii/laxankii/codkii tubeec

Lyrics by Abdulahi sandhooye

Exit mobile version