Sida jaawa geeloo
jiilaal abaariyo
jeel iyo haraad helay
Xalay jeleledkaygii
jaarkaa kutoosoo
kaa jiifi waayoo
adiguna majoogtide
Mawaxaad isoo jirin
markaan iilka jiifsado
ee jahada lay dhigo…

Sidii aan jid dheeriyo
soo jiidhay buurahaa
jir jirada udhacaye
jilba dhiigu iga da’ay
jacaylkuna kudaydayay
kaa jiifi waayoo
adiguna majoogtide
ma waxaad isoo jirin
markaan iilka jiifsado
ee jahada lay dhigo…

Sida jibinta roobkiyo
jirkoo da’ay habeenimo
jeexahii godnaa iyo
Jidhaamuhu biyoobeen
rahu jalaw kalee yahay!
kaa jiifi waayoo
adiguna majoogtide
ma waxaad isoo jirin
markaan iilka jiifsado
ee jahada lay dhigo…

Jiqi jiidh madheedhliyo
jilbiskiyo abeesada
sidii aan ku joogsaday
kala booday jaantii
jiraad igu abuurtoo
kaa jiifi waayoo
adiguna majoogtide
mawaxaad isoo jirin
markaan iilka jiifsaso
ee jahada lay dhigo.

Heestu waa JAAWO
fanaankuna waa Tubeec
(Boqorkii codka)

Lyric by Sandhooye

Exit mobile version