Tubeec

Rugta lagu abaarsado
daranta iyo uumiga
hadaan reerka laga rarin
xoolahaa ku riiqmee

Nafteydaa ku raacdee
waa run ee waa run ee
adna hayga roorine

Maryan Mursal:

Naftadaa i raacdee
iga raarideysaa
hadii ay run kaa tahay
kaa roori maayee

Taladaan la ruugin
waa lagu rafaadaa

Tubeec:
Geel rimay ninkii sugey
raadsadey markuu dhalo
ramadkiisa maaloo
baahida ka reystaa

Nafteyaa ku raacdee
waa rune waa rune
adna hayga roorine

Maryan Mursal:
Hawraar la raaciyo
raad malaha beentuyee
qalbigaan rigrigey bay
ruxayaan maahmaahduye

Taladaan la ruugin
waa lagu rafaadaa

Tubeec:
Rasamaalka guurkiyo
raaxada adduunkiyo
raaliyo ninkii hela
raganimo ku faanee
nafteyaa ku raacdee
waa rune waa rune
adna hayga roorine

Maryan Mursaal:
Rag waa xilo-bilaaliyo
geesi ruuxa deeqee
midaad tahay rabaa oge
kala reebo faalada

Taladaan la ruugin
waa lagu rafaadaa

Exit mobile version