Waqtiyoow dhibaatada
dhalinyaro intaan ahay
haysoo dhawaynine
waxaan ii dhamaynayn
sharaftayda dhawrayn
dhagaha iyo aragaba
ka dheeree agtayda

Waqtiyoow dhul omosoo
wabiyadu is dhaafin
beeraha dhexdoodiyo
dhirtu ubax macaan dhalin
dhaayaha uroonayn
dhalin yaro intaan ahay
dhagaha iyo aragaba
ka dheeree agtayda

Waqtiyoow dhismaha guud
dawlad aan dhaliiloo
dhibaatada igaadhiyo
kawarqabin dharaar qudha
dhaqankaan ku noolahay
dhalinyaro intaan ahay
dhagaha iyo aragaba
ka dheeree agtayda

Waqtiyoow la dhaqan dumar
lama dhaafi karayee
dhalanteedka caashaqa
mid ah toban dharaarood
ama aanu dhab ka ahayn
dhalinyaro intaan ahay
dhagaha iyo aragaba
ka dheeree agtayda

Waqtiyoow dhurkaagiyo
aduunyada dhiskeediyo
dhaxalka iyo doogiyo
dhoobadiyo canbuushiyo
kugu dhaarshay diintee
arimaha aan kuu dhigay
dhalinyaro intaan ahay
dhagaha iyo aragaba
ka dheeree agtaydaa.

Heestu waa Waqti
fanaankuna waa (Tubeec)
boqorka codka

Lyric by sandhooye

Exit mobile version