dadkoo xaaluf iyo boodh ku xidheen abaaruhu oon laydku xagal goon x2

dhirtu ubaxa xoortoo bisha ay xumaatay xaalkii cuslaadoo xaakim ku nagaadhay x2

markuu xays daruur ahi xareed dhigo arlada xooluhuna dararaan x2

sida loo xamdiyo ee alla loo xasuustaan ana kuu xushmeeyaa x2

markaan dhaho xabiibi xayaati itiraahdo xididada jidhkaygiyo dhiigu xadanta qaataa xaadu istaagtaa xubi igu siyaadaa x2

xeendaabka dunidana waxa xaawalay nool midii aan ka xulayee nafta xiisa galisaay x2

yaan yaan caqliga lagaa xadin xaasid yuu yuun inakala dilin x2

xaajadeenu yay noqon xoor dabayli qaadiyo xiisa burur dharaara ah x2

waxbo yaanan xiiqine waxaan hadal kusoo xiray kalgaceel kan xoogiyo xididada u yeelay xagal daaca ka ogow x2

waan xil tiriyayee xajiyoo dhan kaagana yay xumaani yeey ka imaan x2

xaawoy xaawoy
xidigtii naftaydaay xariirtii haween kaay xuural ceen lamood yey xab xabkii fardowsaay xubno toosan leeyay xaragadaad latiicdiyo xishoodkiyo asluubtiyo xikmadiyo wax garashada

Exit mobile version