bilicdii aduunkiyo dhul barwaaqo jiiftoo loo bara tamaayaay bacrin nabad gelyaaday x2

bilad sharaf waxaa mudan wakhtigaynu isbaraniyo baradii jaceelkee ku bilownay sheekada x2

waysu gacan banaanahee raaxada aan bogonee bismilayso caashaqa x2

guga oo balaadhoo dayri ay ku biirtoo barqo dharag lawada dagay lagu oon baxaad tahay x2

bilow beeshii adigaa boga iyo halbowlaha badan kayga oo idil beerka iyo wadnaha dagay x2

waysu gacan banaanahee raaxada aan bogonee bismilayso caashaqa x2

waxad tahay baxdoy dumar boqorkiyo dhaclihiiyoo hida buuxa wadatoo bishaareestay aragtida x2

dhaqan kii bilaayee baryo soo tixnaabaa waalid kugu barbaarshee barkhad wacan ku noolow x2

waysu gacan banaanahee raaxada aan bogonee bismilayso caashaqa x2

bisha oo shan iyo toban cad ceed bilatay waaberi iftiin keeda buuxiyo bakaal soo baxaad tahay x2

beel daaje adigaa daaje adigaa barbaar teena oo idil kaa boodi soocdoo kugu raacay baaqii x2

waysu gacan banaanahee raaxada aan bogonee bismilayso caashaqa x2

Exit mobile version