jalaqsiga xubnaha iyo
jaanqaadka socodkiyo
jaaheega nuurkaleh
u iljabiyaaan
geedkii jaceylka
intuu hilibkayga jaray
joodaan lagooyo
jeeraara horodka
jarmaray igu beeray
jufnaan libaaxiyo
jeertiyo maroodiga
jaar aan unoqonoo
adna jamad barwaaqaa
jawi geel kumashaa
jeegada uhurudaa
jiraban wali haysta
jiridaa dhirtaale
wayjaadad wacantahee
jarin ubax udgoonliyo
jaaheedii baad tahay
junun geelkan aan qabo
iyo jawradaaadii
jan jaleec ubada
hadba dhan ula jeesta
sidii ruux jiniyad qaba
ugu xidhay jaraacada
nafta joogtan waaya
hadba xadhig kujiidaa
adna jees barwaaqaa
jawigeel kumaashaa
jeegada uhurudaa

Exit mobile version