inkastoo lagu waxyode
ama wasakhiyo war xumo tashir
waarta ka waabiya

waadiiqada toosin wayseen
wadooyinka kala wareera
waa waareyahaaga
waa jiif aad ku dhalate

wadankiisa ninka ka tage
wehelkiis ka dheerada
wale ma huro walbahar aduun

inagoo la kala wele
waxii ku jiraa war laga hele
ala wanaagsanaan lahayda

wacad lagama wecanlahede
isweydaar wax kuma lumeene
wacad lagama wecan lahene
ila soo walwaal
wakhtiga soo celiyaye

wadankiisa ninka ka tage
wehelkiis ka dheerada
wale ma huro walbahar aduun

Exit mobile version