Saynabeey adaa sharafiyo
Adaa sida hariitiya
Samsamiyo adaa luulaa
Adiga adigaa adigaa
Adigaa sansaan qurux leh

Markuu soo onkado robku
Soo onkado roobku
Seer ma waydo u hoorto
Ma waydo u hoorto
Adiga adigaa
Adigaa sansaan boqor leh

Saymahan daruur dhibicdooda
Amaa saxan saxo
Igu dhaygaa
Igu dhaygaa
Adiga adigaa adigaa
Adigaa suurad badniyee
Adiga adigaa adigaa
Adigaa suurad badniyee

Saynabeey caashaqa
Ada samir uu yaqaanee
Adaa simad ku qaadee
Adiga adigaa adigaa
Adigaa sansaan roob leh

Markuu soo onkado robku
Soo onkado roobku
Seer ma waydo u hoorto
Ma waydo u hoorto
Adiga adigaa
Adigaa sansaan boqor leh

Saymahan daruur dhibicdooda
Amaa saxan saxo
Igu dhaygaa
Igu dhaygaa
Adiga adigaa adigaa
Adigaa suurad badniyee
Adiga adigaa adigaa
Adigaa suurad badniyee

Exit mobile version