haday igu furartiyo
haday iifiican tahay
waxaan qabo lama fahmoo
sirtaydaan cidi fashilin

haday fooq iga kortiyo
haday filahayga taal
ma jiro ruux ila fureey
dantayda anaa ku filan

saan yeel cidi ima fartee
fartaan doonaan qoraa
fikrada laylama lehee
waxaan doona falaa
farxada anigaa sameeya
aniga aniga sameeya
cidnaba uma dabo
fadhiisto farxada anigaa
anigaa anigaa sameeya
farxada anigaa sameeya

haday fajac igu tihiyo
haday igu firsan tahay
sidan ahay lama fisho
xogtayda cidi fashilin
sidan ahay lama fisho
xogtayda cidi fashilin

hadii fajilay dhigiyo
hadii dood layga furo
cidnaba lama ficil
tamee dantayda fiirsada

Exit mobile version