Markuu xidigii sanaag
Xidhiidh kayagii af jaray
Intaan galay xaalad adag
Miyaan weheshaday xasuus
2x
Kolkuu qalbigeyga xaday
Intuu xidhay sheekadii
Miyan xiliyadan qadhaadh
U xaadiray murugo badan
2x
Xumaan isagoo i baday
Xaalkeedana aan isiin
Miyuu xog ogaali yidhi
Midkaad u jeclayd arliga
Xaqiiq naagba hantiday
2x
Tolnimo isagoon xurmayn
Jacaylka xaqiisa siin
Xitaa ehelnimo tix galin
Miyaan u haya xaqdhowr
2x
Anoo ku xaniban block
Xabsiga caashaqa ku jira
Intaan suugaan u xulo
Miyan u xusaa sidii
2x
Xumaan isagoo i baday
Xaalkeedana aan isiin
Miyuu xog ogaali yidhi
Midkaad u jeclayd arliga
Xaqiiq naagba hantiday
2x

Exit mobile version