Macaan adiga oo kale
Maalin kasto magacaagan haya

Meel kastoon tago
Mid kastoon arko
Adigaa iiga muuq dheer

Muraadkeeniyo magaceenaba
Wuxuu ku waynaan karaa

Adiguna maqsuud ahaataa
Aniguna masuul ahaadaa
Ala maankayga deeqdaay

Maadadaa maskaxdaada gali
Marwadii i deeqdaay

Mudo badan ayaan
Aniga adiga ismaqalkeena jiray

Meel kastoon tago
Mid kastoon arko
Adigaa iiga muuq dheer

Muraadkeeniyo magaceenaba
Wuxuu ku wayaan karaa

Adiguna maqsuud ahaataa
Aniguna masuul ahaadaa
Ala maankayga deeqdaay

Maadadaa maskaxdaada gali
Marwadii jacaylkaay

Exit mobile version