Heedhe bilistiyo duni kaa boqradey
Kugu qoray bogiyo beer kaaga dhigay
Beerkiyo wadanaha beerkiyo wadnaha
Hadyad ala kaaga dhigay

Iigu kaa baxdee ila fahan balwada
Boongaha tunoo ila bodo gibilada
Calashaan boskiyo boorka iga celi

Waan kuu bogee beentaa ha odhanee
Bashar kaa jantee baaqeyga dhawr
Kuna baahdayoo kaama baydhaye
Kuu baahdayoo kaama baydhaye
Kuu baahdayoo kaama baydhaye
Ala bal waxuun samee

Heedhe bababkii buugayga furay
Oobaan ku qorey inaan kuu bukubo
Una soo bandhigey una soo bandhigey
Bulshadii dhamaan

Biladii cishqiga kula beensadee
Boqortooyadii aan baafiyee
Intaan baadha yahay ogow xaaladaha

Waan kuu bogee beentaa ha odhanee
Bashar kaa jantee baaqeyga dhawr
Kuna baahdayoo kaama baydhaye
Kuu baahdayoo kaama baydhaye
Kuu baahdayoo kaama baydhaye
Ala bal waxuun samee

Exit mobile version