Ileen Waa Boqorad iyo
Waa Baadi Dhaba
Bashar Qurux Leh Iyo
Waa Bureeq Xula
Binu Aadam Iyo
Waa Bilic San Qoba
Baradiyo Cilmiga
Mid Bariisato
Ku barbaartayoo
Boqolaal Ragaa
Burji Dhaaftayo
Dhashii Boorama
Waa Pease and Love
Iftiimka Ka Bidhaama
Eesh Calaa U Bogoo
Oo Allaylehe Burhaanta
Eesh Calaa Ka Bogtoo
Waa Bil Soo Dhalatee
Eesh Calaa Boqranaa
Ileen Badhax Malee
Waa Baxnaan Sida
Bogaha Dhayiyo
Waa Bad Baado Tara
Oo Bilaa Caylk
Waa Beerka Lula
Baladkii Nimcada
Beerihii Janada
Mid Baqoosha Oon
Ku Balwaysan Oon
Basan Baas Aqoon
Waa Basaas Tiriyo
Burxadkii Habalaha