waxa guul nin geesiya siisa
gabadh uu garaadku hagayee
cishqi galay bogaygiyo beerka
waxaad tahay gobtii aan ku sooray

intaa gabadh ku nool gayigeen
kuma arag ilwaadka gadaada

wanaaga danteena ila gudo
midhaha kalgacaylka ila guro
ardaaga jacaylka ila guro
adna ii noqo gacantayda
ana waan ahaan garabkayga

isku diray gartiisa ha qaadan
kala gure dhagtaada ha siinin
ha ku guban namiimka sirtiisa
xidhiidhka dhexdeena ha u gafin

ha u galin abaal qofku goyni
hana gocan wixii galbadoo

Exit mobile version