labayahaw dadaalkooda
iyo daacadnimadooda
samirkiyo dulqaadkooda
ku dabaqay jacaylkooda

waxa loo dabaal dagayee
caawa loo durmaan tumayow
waa dadab galkiina daawada
daaawada arooskiina

ana deeq idiin gaara hobeeya
iga hooya ducadiina hobeeya
ubad doora diintooda hobeeya
dusha saarta calankooda hobeeya
waalidkoodna darajeeyaa hobeeya
DAA'IM ha idin siiyee AAMIIN ALLAHAYOW

labayahaw dareenkooda
iyo dabci samidooda
waanadiyo dadnimadooda
ku midoobay danahooga

Exit mobile version