kaahiya dhabankaaga nuukra
malaha dayaxa ku dhaashta
dahiyo muuqa dushaada
qoraxda dhacaysa u baaqda

hada dhoole dhawaaqdo
dhaayo yeesha indhoolku
ruuxi dhimira ladnaada
curyaan dhutiya dawooba

marka doolaha hadaysa cirka
ka dhibicdiisa keenay dartaa
darta ciida dhaqaaqda dhab
way dhamaan dunida iftiinta

dhirtaa udugaaga yaabtay
dhashii janada ducaysay
dhulka awadaa ilmeeyay
markuu quruxdaada dhaaday

maan dhigin garabkayga ruuxna
may dhalan dhoolay dhigaagu
may iman oogadadhulkeena
hooyana dhabarkeda masaarin

marka doolaha hadaysa cirka
ka dhibicdiisa keenay dartaa
darta ciida dhaqaaqda dhaba
way dhamaan dunida iftiinta

Exit mobile version