jacaylka dhabtaa
hadad soo dhawaysoo
dheeliga u diidoo
nacabkana ka dhawrto
dhalaanka sidiisa
hadaan ku dhooldhooliyo
dhibta intaan kaa ilaasho
dhigaa hadad dhaafi waydo
anaa dhaawacay naftaada
xabiibi dhaayaha u rooneey
dhaar waxaan ku marayaa
inaan dhiiga kuu shubo
inaan dhayal kaaga taginooo
ruux kale ku dhaafsan

dheeman quruxsaneey
sidaan qalbiga kuugu dhigay
hadaad igu dhiirato adkayso
inaan dadab galaynoo
dheeftiisa macaan
dharaaro markaynu joogno
intaan dhigo wanqalshiisa
hadaan ubax kuu dhiibi waayo
dhaliishaa anaa leh
xabiibi dhaayaha u rooneey
dhaar waxaan ku marayaa
inaan dhiiga kuu shubo
inaan dhayal kaaga taginooo
ruux kale ku dhaafsan

Exit mobile version