VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Faadumo - Lyrics

Dunidaan ku noolahay Nalka tii u daartee Dusha iiga nuurtaay Damacayga gushana Dardar ruuxa galisee Kasha iga dareentaay 2x Qalbigaagu waa dahab Iyo daacad loo qiray Dabci wacan akhlaaq Iyo qurux la daawado Aadmigu daraandaro Kuugu deeqay ilahay 2x Faadumooy daryeelaay Dugsiyaay dabiibaay Ima dhiba i doojaay Diran ii dadaalaay Ifka taan ku doortee Aakhiro daldarayaay Waxaan kugu daalaa Waa jacayl daraadii 2x Damal ii hadhaysaay Dawo laabta deeqdoo Farxad igu dabiibtaay Rajadiyo danteenana Nasab daadahaysoo Darafkeeda haysaay 2x Niyadadu waa dagal Iyo daar taal gobanimo Dawi dagan samaan badan Iyo sharaf la door bido Dadnimo wanaag lee Kuugu deeqay ilahay 2x Faadumooy daryeelaay Dugsiyaay dabiibaay Ima dhiba i doojaay Diran ii dadaalaay Ifka taan ku doortee Aakhiro daldarayaay Waxaan kugu daalaa Waa jacayl daraadii 2x
Queue is empty
-- / --