VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Faadumo mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Marwaan yare
Faadumo

Dunidaan ku noolahay
Nalka tii u daartee
Dusha iiga nuurtaay
Damacayga gushana
Dardar ruuxa galisee
Kasha iga dareentaay
2x

Qalbigaagu waa dahab
Iyo daacad loo qiray
Dabci wacan akhlaaq
Iyo qurux la daawado
Aadmigu daraandaro
Kuugu deeqay ilahay
2x

Faadumooy daryeelaay
Dugsiyaay dabiibaay
Ima dhiba i doojaay
Diran ii dadaalaay
Ifka taan ku doortee
Aakhiro daldarayaay
Waxaan kugu daalaa
Waa jacayl daraadii
2x

Damal ii hadhaysaay
Dawo laabta deeqdoo
Farxad igu dabiibtaay
Rajadiyo danteenana
Nasab daadahaysoo
Darafkeeda haysaay
2x

Niyadadu waa dagal
Iyo daar taal gobanimo
Dawi dagan samaan badan
Iyo sharaf la door bido
Dadnimo wanaag lee
Kuugu deeqay ilahay
2x

Faadumooy daryeelaay
Dugsiyaay dabiibaay
Ima dhiba i doojaay
Diran ii dadaalaay
Ifka taan ku doortee
Aakhiro daldarayaay
Waxaan kugu daalaa
Waa jacayl daraadii
2x

codkii Marwaan yare