Waa guri dhismo
Waa aroos dhaxal gala
Waana loo dhanyahee

U dheelno aan u dheelno
U dheelno ciyaar
U dheelno aan u dheelno
U dheelno ciyaar

Labada isu dhigan
Waa dhal gobeede
Ubaxyo wada dhiina
Dhiin dhiina
Hortooda dhigdhiga
Hor dhiga oo dhigdhiga
Soo dhawayn uga dhiga

Najmaay dheemaneey
Dhigaa nuuna heshee
Gacmaha isku dhaga
Dhexdana is qabsada
Dhabanka isa saaroo
Is dhunkada idinka is dhunkada

Guur dhaqan gala
Waa la dhawranayoo
Waa dharaar faraxlee
Ka dhawrno aan ka dhawrno
Ka dhawrno xumaan

Labada la dhursugay
Wacadkii ay dhigteen
Mashxarad ha is dhaadato
Cod dheer ugu dhaha
U dhaha ugu dhaha
Cod dheer ugu dhaha

Najmaay dheemaneey
Dhigaa nuunaa heshee
Gacmaha isu dhaga
Dhexdana is qabsada
Dhabanka isa saara
Oo is dhunkada idinka is dhunkada

Exit mobile version