suurad wacan gaari dheehle
sumcad badan ruux asluuble
garaad saxan maan aqoonle
ALLAA igu simay qof diinle

salaanteedaa xurmaynle
safaadkeedaa xusuusle
samayskeedaa iftiinle
nasiibkayga samaanle

darteed soor quudan waayay
inaan sikin waayo diiday
ilwaad sadrigayga siiyay
ku sooray naftaan u saaray

santaag iyo kibir ka waayay
sagsaag male way ka suushay
kashaydu miday sugaysay
ayaa silic iga dawaysay

saluug waa laga sifeeyay
wanaagbaa loo siyaadshay
waxa sanbabada u quudhay
haween tii ugu sarraysay

hankii aan ka seexan waayay
rajiyo samirbaan ku gaadhnay
ilwaad sadrigayga siiyay
ku sooraynaftaan u saaray

Exit mobile version