VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Inaa tahay - Lyrics

Inaa tahay ruux dhabeela Dhaayaha ku arkaa qiraaya Xataa ruuxaan ku dheehan Dhegtu ku maqlaa fahmaysa Inaa tahay geesi dhiiran Damiirka maankaa saxaaya Xataa ruuxan ku dhaadin Dhegtuu ku maqlaa fahmaysa Markaa socotee dhaqaaqdo Talaabada aad dhigayso Dhulkaa indha yeelanaya Dhirtaa ku bariidinaysa Markaad garta dhiidhiyayso Eraygaad dhahdidbaa xaqiiqa Sidaad u dhamaystirayso Ayaan dheel dheel galaynin Dhererka joogaga taagan Gobaad muuqaaga dhiibsan Asluubta iyo dhawrsanaanta Waxaa kuu dheer ilwaadsan Dhamow garashada hilaadsan Marwaan kartidaada dhiiran Hankaaga fog ee dhigaalsan Dhigaa male hanashadaada
Queue is empty
-- / --