maalintaynu joogniyoo
baryo masanoo tagay
indhahaygu ma qaban
midaan adiga kugu masaale

misaan u socod iyo
hadal aan margi lahay
dadku wada mabsuudan
mawlaa kugu manaystee

waxa ii markhaatiya
oo marag madoonta
wadnahayga mudaney
magacaaga mooye
midkaleba miirka waa ka saare

misbaaxi janada iyo
xuuracayn la moodye
muxibiyo kalgcalbaa
macaan adiga kuu hayaa

malabkii shinida iyo
madheedh doog ku yaalo
midhihiisi soo baxay
naftu ay ku modaa

Exit mobile version