dabcigeedu waa gaar
diintay ku dhaqantoo
waa ruux dadaal wacan
daganoo xishood badan

kartideedu waa deeq
DAA'IMBAA ku sooray
dibnaheedu may baran
qawl damiirka dhaawaca

nasab waa qof daacada
dun xariira weeyaan
dagan waa nafiisoo
nin hantaa daryeelay

quruxdeedu waa doog
waa darajo gooniya
caqligeedu waa dahab
xidig weeyi daahira

dumar lama masaalo
dadnimay ku dhaaftoo
inuu dhookhu ii galay
waad iga dareentaa

Exit mobile version