Adaa hannaan lahoo quruxsan
Astur wacanoo iimaansan
Akhlaaq suubanoo addeecsan
Inbadan xaqdhawr lahoo wanaagsan 2xx

Naftaa awgaa Asqaysan
Aragsaneey dartaa hallowsan
Kuu haybisoo harraadsan
Jacayl awgaa hanuusan 2xx

Adaa abaabin wacanoo barbaarsan
Anshaxiyo aqoon lahoo dabacsan
Ina dhaqan lahoo hagaagsan
Abaal adigaa yaqiinsan
Hubaal adigaa yaqiinsan 2xx

Adaa hannaan lahoo quruxsan
Astur wacanoo iimaansan
Akhlaaq suubanoo addeecsan
Inbadan xaqdhawr lahoo wanaagsan 2xx

Naftaa awgaa Asqaysan
Aragsaneey dartaa hallowsan
Kuu haybisoo harraadsan
Jacayl awgaa hanuusan 2xx

Adaa abaabin wacanoo barbaarsan
Anshaxiyo aqoon lahoo dabacsan
Ina dhaqan lahoo hagaagsan
Abaal adigaa yaqiinsan
Hubaal adigaa yaqiinsan 2xx

Exit mobile version