suurad wacan gaari dheeh le
sumcad badan ruux asluub le
garaad saxan maan aqoon le
ALLAA igu simay qof diin le

salaanteeda xurmayn leh
safaadkeedaa xusuus leh
samayskeedaa iftiin leh
nasiibkaygaa samaan leh

darteed soor quudan waayay
inaan sikin waayo diiday
ilwaad sadrigayga siiyay
ku sooray naftaan u saaray

santaag iyo kibir ka waayay
sagsaag male way ka suushay
kashaydu miday sugaysay
ayaa silic iga dawaysay

saluug waa laga sifeeyay
wanaagbaa loo siyaadshay
waxaa sanbabada u quudhay
haween tii ugu saraysay

hankii aan ka seexan waayay
rajo iyo samirbaan ku gaadhnay
ilwaad sadrigayga siiyay
ku sooray naftaan u saaray

Exit mobile version