VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Guur maxaan ka yeelnaa - Lyrics

Guur maxaan ka yeelnaa Waa galin dambeetiyo Warkii la sheegoo Waa duni gabowdoo Sii gabaabsiyaysee Labadii is guursada Is gargaari maysoo Qofba gaara ahaanbuu Gokni u taagayaayoo Gacan midigba bidixdaa Hawsha ugu garbeysoo Mana dayaan wax wanagay Nina meel ma gaadhoo Xubno gaar ahaaniyo Gooni uma naaxoo Guri lagama maarmee Guur maxaan ka yeelnaa Qofna gaar ahaaniyo Gooni uma naaxoo Guri lagama maarmee Guur maxaan ka yeelnaa Hoyey garabka maantaa Waxan ka cabso mooyee Waxaad garatay oday iyo Ragii aan garawshee Guur maxaan ka yeelaa Hoyey garabka maantaa Waxan ka cabso mooyee Waxaad garatay oday iyo Ragii aan garawshee Guur maxaan ka yeelaa Meel buu irmaaniyo Lama guruhdo naasoo Qofkii adiga kuu go,ay Gudin looma qaatoo Wilahaad ku hoyatiyo Lama gubo harkaagoo Dabaylaha kan guuxiyo Hadal lalama guuree Gacan midigba bidixdaa Hawsha ugu garbeysoo Mana dayaan wax wanagay Nina meel ma gaadhoo Qofna gaar ahaaniyo Gooni uma naaxoo Guri lagama maarmee Guur maxaan ka yeelnaa Hoyey garabka maantaa Waxan ka cabso mooyee Waxaad garatay oday iyo Ragii aan garawshee Guur maxaan ka yeelaa Hoyey garabka maantaa Waxan ka cabso mooyee Waxaad garatay oday iyo Ragii aan garawshee Guur maxaan ka yeelaa Guur iyo ayaanbaa Ari iyo ninkeedoon Kaashada aduunyada Nin nalooga gaar dhigi Gura lagu hurdaayiyo Oo ah geedo miro loo Gomoshku macaaniyo Laga guranin maqashee Gacan midigba bidixdaa Hawsha ugu garbeysoo Mana dayaan wax wanagay Nina meel ma gaadhoo Qofna gaar ahaaniyo Gooni uma naaxoo Guri lagama maarmee Guur maxaan ka yeelnaa
Queue is empty
-- / --