VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Guur maxaan ka yeelnaa mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Marwo Mahamed
Guur maxaan ka yeelnaa

Guur maxaan ka yeelnaa

Waa galin dambeetiyo
Warkii la sheegoo
Waa duni gabowdoo
Sii gabaabsiyaysee

Labadii is guursada
Is gargaari maysoo
Qofba gaara ahaanbuu
Gokni u taagayaayoo

Gacan midigba bidixdaa
Hawsha ugu garbeysoo
Mana dayaan wax wanagay
Nina meel ma gaadhoo

Xubno gaar ahaaniyo
Gooni uma naaxoo
Guri lagama maarmee
Guur maxaan ka yeelnaa

Qofna gaar ahaaniyo
Gooni uma naaxoo
Guri lagama maarmee
Guur maxaan ka yeelnaa

Hoyey garabka maantaa
Waxan ka cabso mooyee
Waxaad garatay oday iyo
Ragii aan garawshee
Guur maxaan ka yeelaa

Hoyey garabka maantaa
Waxan ka cabso mooyee
Waxaad garatay oday iyo
Ragii aan garawshee
Guur maxaan ka yeelaa

Meel buu irmaaniyo
Lama guruhdo naasoo
Qofkii adiga kuu go,ay
Gudin looma qaatoo
Wilahaad ku hoyatiyo
Lama gubo harkaagoo
Dabaylaha kan guuxiyo
Hadal lalama guuree

Gacan midigba bidixdaa
Hawsha ugu garbeysoo
Mana dayaan wax wanagay
Nina meel ma gaadhoo

Qofna gaar ahaaniyo
Gooni uma naaxoo
Guri lagama maarmee
Guur maxaan ka yeelnaa

Hoyey garabka maantaa
Waxan ka cabso mooyee
Waxaad garatay oday iyo
Ragii aan garawshee
Guur maxaan ka yeelaa

Hoyey garabka maantaa
Waxan ka cabso mooyee
Waxaad garatay oday iyo
Ragii aan garawshee
Guur maxaan ka yeelaa

Guur iyo ayaanbaa
Ari iyo ninkeedoon
Kaashada aduunyada
Nin nalooga gaar dhigi

Gura lagu hurdaayiyo
Oo ah geedo miro loo
Gomoshku macaaniyo
Laga guranin maqashee

Gacan midigba bidixdaa
Hawsha ugu garbeysoo
Mana dayaan wax wanagay
Nina meel ma gaadhoo

Qofna gaar ahaaniyo
Gooni uma naaxoo
Guri lagama maarmee
Guur maxaan ka yeelnaa

codkii Marwo Mahamed