VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ledi waayay - Lyrics

Leebkii jacaylkoo lalayay i haleeloo laabta igaga yaallee Ledi waayay i laama doodi waayay waa mid igu lammaanoo laadkii ma badanoo luggoyada ku naaxee Ma'ii lulay sidii lebi ama laama lowdshaha ama laama lowdshaha Laydhii i qaaddiyo leexaa i sidatoo oo igu laashay samadoo libdhi waayey i luminna waayey waa mid iga laxaad weyn aan loodin waayoo oo ii laba diblaysee Ma'ii lulay sidii lebi ama laama lowdshaha ama laama lowdshaha Laafsi yaa macaan iyo lo'da caaneheeda iyo liqi waayey soortee luucin waayey u leexan waayey waa mid ila legdaamayoo luqunta isku duuboo lugna igu daceeyee Ma'ii lulay sidii lebi ama laama lowdshaha ama laama lowdshaha Libaaxaannu kulannaan ladanow ku moodoon lillaahi u salaamee laaban waayey i libiqsan waayey waa mid la'igu laarayoo sidii layla iyo qays loxodkaan la gelayaa Ma'ii lulay sidii lebi ama laama lowdshaha ama laama lowdshaha
Queue is empty
-- / --