VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Ledi waayay mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Maryan Mursal
Ledi waayay

Leebkii jacaylkoo
lalayay i haleeloo
laabta igaga yaallee

Ledi waayay i
laama doodi waayay
waa mid igu lammaanoo
laadkii ma badanoo
luggoyada ku naaxee
Ma’ii lulay sidii lebi
ama laama lowdshaha
ama laama lowdshaha

Laydhii i qaaddiyo
leexaa i sidatoo oo
igu laashay samadoo
libdhi waayey
i luminna waayey
waa mid iga laxaad weyn
aan loodin waayoo oo
ii laba diblaysee
Ma’ii lulay sidii lebi
ama laama lowdshaha
ama laama lowdshaha

Laafsi yaa macaan iyo
lo’da caaneheeda iyo
liqi waayey soortee
luucin waayey
u leexan waayey
waa mid ila legdaamayoo
luqunta isku duuboo
lugna igu daceeyee
Ma’ii lulay sidii lebi
ama laama lowdshaha
ama laama lowdshaha

Libaaxaannu kulannaan
ladanow ku moodoon
lillaahi u salaamee
laaban waayey
i libiqsan waayey
waa mid la’igu laarayoo
sidii layla iyo qays
loxodkaan la gelayaa
Ma’ii lulay sidii lebi
ama laama lowdshaha
ama laama lowdshaha

codkii Maryan Mursal